Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu Yahay Cudurka Ka Dilaacay Soomaaliya oo $2 Milyan oo Dolar u qoondeysay QM wax ka qabashada Cudurkaasi

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Isku duwaha gargaarka deg dega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa shaaca ka qaaday $2 milyan oo dolarka Mareykanka ah uga qoondeeyay Sanduuqa dhexe ee wax qabadka deg dega ah {CERF}, taasi oo wax looga qabanayo daacuunka ka dillaacay Soomaaliya.

Ururka Caafimaadka Aduunka ayaa laga soo xigtay in Soomaaliya laga soo sheegay in ka badan 10,000 xaaladood iyo 120 dhimasho ah toddobo gobol oo ka mid ah dalka Soomaalya tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan.

Dilaaca Cudurka Daacuunka ayaa lala xariiriyay saameynta ka dhalatay abaarihii dalka soo maray iyo daadadkii ka dhashay roobabkii El Niño dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay, kadib burbur soo gaaray ilaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda oo sii kordhiyay dilaacista cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka.

Waxaa jirta warbixinta cusub oo sheegaya in meelaha ugu badan ee uu hada dhibaatada ugu badan ku haayo Cudurka Daacuunka iney yihiin deegaano ku yaala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaana xusid mudan in wali meelaha qaar ay ka jiraan daadad iyo fatahaad kale oo sababay barakac baahsan, waxaana laga cabsi qaba iney sii siyaadiyaan kororka Cudurka halista badan ee Daacuunka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA