Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Olollaha Soomaaliya Cagaaran oo ka bilaabatay magaalada muqdisho.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa daahfuray wejiga koowaad ee ololle lagu beerayo Xarunta Wasaaradda illaa iyo 2,000 geed.

Waxay iskugu jiraan geedahan kuwa miraha, harka iyo ubaxa, iyadoo olollahan uu ka qeyb yahay hindisaha cagaaraynta Soomaaliya.

Olollahan ayaa waxaa ka qeyb galay tobaneeyo shaqaalaha Wasaaradda ka mid ah oo beerayay noocyo kala duwan oo geedo ah, iyadoo tani ay tahay dadaal wadajir ah oo lagu ilaalinayo deegaanka, lagu xoojinayo cagaaraynta.

Hadal uu ka jeediyay daahfurka olollahan, ayuu Wasiir Fiqi yiri ” Olollahan wuxuu ka qeybyahay olollaha cagaaraynta Soomaaliya, waxa aanan ku beerayntaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga illaa iyo 2,000 geed oo iskugu jira kuwa miraha , ubaxa iyo harsiga leh. Hindisahan waxa uu ka dhiganyahay ka-qaybqaadashadeena cusub ee ilaalinta deegaanka “Hal geed oo aad beertid, waa nolol cusub oo aad soo korodhisay.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA