Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo loo soo xiray tababar lagu barayay isticmaalka hubka culus.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka XDS oo loo soo xiray tababar lagu barayay isticmaalka hubka culus.

Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Gen. Maadeey Shekh Nuur Ufuroow oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa tababarka usoo xiray saraakiishan oo laga soo xulay guutooyinka iyo qeybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa muddo la barayay isticmaalka hubka culus oo Llagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xilli uu dalka ka socda howl-gallo lagu beegsanayo AS.

Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada ka tirsan qaybaha Iyo guutooyinka ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqoon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira-dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka muhiimka ah.

Intaas kadib taliyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb deegaameed cusub oo loo hirgeliyay taliska ciidanka dhulka, oo tiir-dhexaad u ah ciidanka xoogga dalka iyo bar hogaamineedka howl-galka dalka looga sifeynayo AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA