Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

SOOMAALIYA oo loo doortay kursi Heer Caalami ah.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam loogu doortay inuu noqdo madaxweyne ku-xigeenka golaha shirwaynaha caafimaadka adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa wuxuu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh caafimaadka aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya waddamada adduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirkan adduunku kaga doodaya ayaa waxa ugu horeeya hindise ay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaasi oo ujeedadiisu tahay in adduunka uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka.

Soo jeedintan ayaa ku qotonta sidii loo gaari lahaa hadafka guud ee golaha taasi oo muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha caafimaadka ee adduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudur-dilaaca taasoo dhibaato ba’an ku heysa guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan.

Arrinta ayaa sidoo kale muujinaysa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helida xaalad kasta oo caafimaad, midaasi oo soo dhaweynaysa xalka mushkiladaha caafimaad ee adduunka.

Wafdiga Soomaaliya ee uu wasiirka hogaaminayo waxaa kamid ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabduljaliil, agaasimaha machadka caafimaadka Dr. Xuseen Muhiyadin, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland, agaasime waaxeedyo iyo la-taliyayaal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA