Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska dalka Kenya oo gacanta lagu soo dhigay nin si arxan darro ah u dilay hooyadiis .

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaas ugu dilay hooyadiis.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Macow oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo lasoo xiray.

Eedeysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad uu qoorta kaga jaray hooyadiis, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si aad uga naxay falkaasi argagaxa leh.

Guddoomiyaha xaafadda uu falkan ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ay goobta ay ugu tageen hooyada oo mayd ah, isla markaana uu wiilkeeda qoorta kaga baangada uu usoo qaatay.

“Annaga oo shaqo ku jirno ayaa dadka nasoo waceen waxaa nalagu soo wargeliyay yar Cabdifitaax Maxamed la dhaho in hooyadiis uu qoorta baangad uga jaray, askar ayaan soo qaatay meesha ayaan ugu tegnay maamada oo mayd ah” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninka gaystay falkan horay loo xiray, kadib dhibaato uu ka gaystay magaalada, haatana la geeyay saldhigga, si tallaabo looga qaado.

“Mar dhow ayaa ninkan jeelka laga soo daayay, waana qabanay hadda saldhigga ayuu ku xiran yahay” ayuu kusii daray guddoomiyaha xaafadda Cali Macow ee magaalada Wajeer.

Eedeysane Cabdifitaax ayaa la sheegay inuu isticmaalo noocyada kala duwan ee maandooriyaha, horayna hooyadiis ay u sheegi jirtay inuu qatar ku yahay noloshiisa, balse ugu dambey shalay ayuu nolosha dhaafiyay,

Booliska dalka Kenya ayaa haatan la wareegay kiiska ninkan, si loo guda galo maxkamadeyntiisa, ayada oo loo haysto dilka hooyadiis.

Horay dhacdo tan lamid ah waxay uga dhacday magaalada Kismaayo ee Soomaaliya, kadib markii nin watay mindi ku gowracay hooyadiisa, kaas oo isna mar dambe la toogtay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA