Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay wiil ku eedeysan falal anshax Xumo ah

Arbaco 29, May 20224 {HMC} – Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray Asmar Daahir Faarax oo ku eedeysan falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wiilkaan loo heysto eedeymo culus oo dhaqan-xumo ah, isla markaana sharciga la hor gey doono.

Sidoo kale booliska ayaa bulshada ka codsaday in lagu garab-siiyo la dagaalanka anshax-xumada, iyadoo lagu soo war-gelinayo booliska, si ay tallaabo uga qaadaan.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in u jeedka ugu weyn ee qorshahaan laga leeyahay uu yahay in la badbaadiyo mustaqbalka jiilka soo koraya, maadaama dhalinyarada baraha bulshada wax ku baahisay ay qaarkood faafiyaan muuqaalo anshax xumo ah, si ay daawasho badan u helaan.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay nasoo gaarsiiyaan xogta halka ay ku suganyihiin shakhsiyaadka ku kaca falalka anshax darrada ah, si aan u wada badbaadino mustaqbalka jiilka soo koraya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Asmar Daahir oo lagu soo sawiray dharkii u uku duubay muuqaalkii ugu dambeeyey ee sababay in lasoo xiro ayaa ku biiraya koox dhalinyaro ah oo u xiran booliska, kuwaas oo loo heysto muuqaalo anshax-xumo ah oo baraha bulshada ay ku baahiyeen.

Intooda badan dhalintaasi waxay caan ka ahaayeen barta TikTok, waxayna maalmo badan ku jiraan xabsiga, booliska ayaa sheegay in la horgeynayo maxkamad, si loogu soo oogo dacwado la xiriira eedeymaha loo heysto.

Muddo dheer ayaa laga digayey in baraha bulshada ay ku fasahaadayaan dhalinyaro badan, hadda booliska Soomaaliya wuxuu fahmay shaqadiis, maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga, waxaa bilowday howlgal lagu soo afjarayo baahinta anshax-xumada oo dhalinyarada qaar ay caadeysteen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA