Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAAWO SAWIRADA} Heshiis laga gaaray doorashada Garowe ee Doowlad Goboleedka Puntiland

Arbaco 29, May 20224 {HMC}  Doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godab-jiiraan oo sanadkii hore la hakiyay ayaa laga gaaray heshiis cusub, ayada oo la shaaciyay goorta la qabanayo.

Doorashada saddexdan degmo ayaa la isku raacay in la qabto 1-da August ee sanadkan 2024, kadib shir xalay ay yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Ilyaas Lugatoor iyo madaxda 8 xisbi siyaasadeed.

Sanadkii hore ayaa qorshaha ahaa in la qabto doorashada qof iyo cod ee saddexdan degmo, hase ahaatee khilaaf siyaasadeed oo xilligaas taagnaa darteed ay dib ugu dhaceen.

Puntland oo horay u qabatay doorashooyin qof iyo cod golayaasha deegaanka ayaa hadda isu diyaarineysa inay mar kale ka qabato degmooyin cusub, iyada oo aanay weli diyaar noqon ama la suura-gelin in Muqdisho iyo degmooyinka dowlad-goboleedyada kale laga qabto doorasho dadweyne.

Xisbiyada go’aankan cusub gaaray ayaa waxay kala yihiin; Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Kulanka lagu gaaray heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Dabaraani.

Sanadkii hore ee isla bishaan May ayay aheyd markii Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland uu hakiyay doorashada saddexda degmo ee ku jirto Garoowe, si aanay saamayn ugu yeelan doorashooyinka kale ee ka dhacay degmooyinka kale ee Puntland, kuwaasi oo loo dareerayey xilligaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA