Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dekaddii uu Mareykanka ka dhisay Gaza oo burburtay.

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Xaalad kale oo adag ayaa lasoo daristay dadka ku dhibaateysan magaalada la go’doomiyay ee Gaza, waxaana hadda bur burtay oo saameyn hor leh keentay dekad macmal ahaa oo Mareykanka ka dhisay magaalada Gaza.

Dekadan macmalka ah ayaa waxaa ku xiran jiray maraakiib la sheegay in ay wadaan gar gaar loogu tala galay dadka reer Gaza, waxa ayna hadda aheyd halka ugu sahlan ee gargaar loo marsiin karay shacabka Falastiin.

Mareykanka ayaa joojiyay gargaarkii uu u gaarsiin lahaa Gaza ee marinka cusub ee dekadda macmalka ah ee laga dhisay badda Gaza, kadib markii asbuucan cimilada isbedashay oo duufaan mawjado xoogan wadata ay burburisay dekadaas yar oo la sheegay inay ku baxday in ka badan $300 milyan oo dollar.

Laba markab oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo isku dayey inay badbaadiyaan dekadan badda dul sabeenaysay ayaa iyaguna khasaaro soo gaaray kuna soo caariyey xeebta Gaza.

Mareykanka oo horey loogu dhaliiceeyey taageerada uu siiyo Israel ayaa mashruucan uga gol lahaa in uu muujiyo taageerada gargaarka bini’aadamnimo ee uu gaarsiinayo shacabka ku go’adoonsan Marinka Gaza, kadib markii Israel ay diiday inay furto wadooyinka taga dhulkaasi.

Waxaa gebi ahaan joogsaday gargaarkii bini’aadamnimo ee gaari jiray Gaza tan iyo markii Israel la wareegtay xaduuda Rafah ay la wadaagto Masar, waxaana hada qarka u saaran inay sahay la’aan u xirmaan isbitaalada faro ku tiriska ah ee hada shaqeeya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA