Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo Nairobi uga qeyb gashay Shir diirada lagu saaray saddex qodob oo Muhiim ah

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika {Horn of Africa initiative} xili Magaalada Nairobi uu ka soconayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray

1. Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.

2. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.

3. ⁠Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ka filaysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareysa marka ay hirgalaan qorshayaasha Madashaan iskaashi ee dalalka geeska Afrika oo hada meel wanaagsan maraya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA