Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo iska fogeeyay weerar duqayn ah oo ka dhacay buuraha Calmadow

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan ku lug lahayn weerar duqayn ah oo ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Idaacadda VOA Soomaali ayaa sheegtay in taliska Maraykanka ee Afrika uu farriin qoraal ah ugu sheegay in aanay jirin wax duqayn ah oo ay geysyteen ciidamada Maraykanka.

Warkaan ayaa kusoo beegmay, maalmo ka dib markii Dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah, hase ahaatee ma xusin magaca dowladda fulisay howgalkaas lagu bartilmaameedsaday Alshabaab.

Puntland ayaa camabaaraysay sheegashada dowladda ee ku aaddan in howlgalkaas ay qeyb ka qaateen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in maamulkooda ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas.

Wasiirka ayaa qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo dhaceen, waxaase uu sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA