Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo war kasoo saaray duqeynta ay isku haystaan Puntland iyo DF ee Calmadoow.

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Taliska AFRICOM ayaa jawaabtaan siiyey VOA oo su’aal ka weydiisay waxa ay kala socdaan duqeymaha is qabqabsiga abuuray ee ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegatay labo maalin ka hor.

Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan soo tebisay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan iyo seddax horjooge.

Maalintii xigtayna, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay inaan la caddayn karin in waxa dhacay ay duqaymo ahaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in mamaulka Puntland ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaase qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo ka dhaceen dhulka ay dowladda federaalku sheegtay ee buuraleyda ah, kana tirsan gobolka Sanaag.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisay howlgalka ka dhacay gobolka Sanaag.

Puntland ayaa muujisay inay ka xumaatay sheegashada dowladda federaalka ee howlgalkaas, halka dowladdu aysan cadeyn dowladda iska leh diyaaradaha fuliyey duqeynta, dhankiisa Mareykanka oo inta badan fuliya duqeymaha ka dhaca gudaha Soomaaliya ayaa hadda cadeeyey in howlgalkaas uusan fulin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA