Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu Yahay Dalabka Madaxweyne Erdogan kadib weerarkii Israel ee Rafax Ku Qaaday?

Arbaco 29, May 20224 {HMC}  Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay “Dunida Islaamka” inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Gaza.

“Waxaan hayaa kalmado aan ku iraahdo dunida Islaamka: maxaad sugaysaan si aad go’aan midaysan u qaadataan?” ayuu Erdogan u sheegay xildhibaano ka tirsan xisbigiisa AKP.

“Israel khatar kuma ahan Gaza oo kaliya balse waxay khatar ku tahay dhammaan bani’aadamka.”

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in ruuxdeeda ay ku dhimatay Gaza.

“Qaramada Midoobay xitaa ma ilaalin karto shaqaalaheeda, maxaad sugeysaan si aad tallaabo u qaadaan? Ruuxdii Qaramada Midoobay waxay ku dhimatay Gaza,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalka Erdogan ayaa ku soo beegmay xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeeshay weerar lagu hoobtay oo ay Israel ku qaadday xero barakacayaal oo ku taalla galbeedka Rafah Talaadadii, kaasi oo ay ku dhinteen 21 qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca madaniga ah oo ku sugan Gaza.

“Ma jirto dal ammaan ah ilaa iyo inta aysan Israel raaceyn sharciga caalamiga ah oo aysan dareemeyn in uu qabanayo sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan isagoo ku celceliyay eedeymaha ah in Israel ay “xasuuq” ka geysanayso Gaza.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA