Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya ayaa ka digtay dabeyllo iyo mowjado ka soo socda badweynta Hindiya

Arbaco 29, May 20224 {HMC}  Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya ayaa ka digtay in ay jiraan mowjado xoog leh iyo dabeylo kuwaas oo waxyeello u geysan kara gaadiidka badweynta Hindiya.

Wasaaradda waxay sheegtay in xiliga bad-xiranka uu bilowday una sii soconaya ilaa iyo bisha sagaalaad ee sanadkan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha Mudane Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa shirjaraa’id uu qabtay kaga hadlay arintaan. Wuxuuna uga digay dekadaha badweynta Hindiya in ay jiraan mowjado xoog leh iyo dabeylo kuwaas oo waxyeelo u geysan kara kalluumeysatada iyo noockasta oo gaadiid badda ah.

“Waxaan uga digayaa ganacsatada Somaaliyeed in aysan hantidooda soo saaran gaadiidka aan iska caabin karin mowjadaha badda iyo dabeylaha”

Sidoo kale shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay in waalidiinta deggan xeebaha ay la socdaan ubadkooda aadaya badda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA