Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Sheegay in Turkiga kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidanka Soomalia.

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024 kaas oo ka socda dalkaas.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku yiri, “Waxaan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraalkiisa ku xusay in Turkiga uu kaalin weyn ka qaato dhismaha ciidanka, isaga oo qoraalkiisa ku yiri, “Walaalaheena Turkiga waxa ay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeena horumarintooda iyo la dagaalanka Khawaarijta.”

Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxiibada dhaw la ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo ka taageerta dhismaha ciidanka Xoogga dalka iyo Booliska sida gaarka ah u tababaran, si lamid ah waxa ay ka qeyb qaadataa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Xiriirka u dhaxeeya labada dal oo 15 sanno ku dhaw ayaa dalalka isdhaafsaday arrimo labada dhinac u wada muhiim ah, Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhistay Safaaradda ugu weyn ee caalamka uu ku leeyahay, halka Soomaaliya lagu abaal mariyey in loo dhiso Safaaradda ugu weyn ee ku leedahay dalka dibaddiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA