Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} DFS oo Bahrain uga qeyb-gashay shir xasaasi oo taageeray Loogu Muujiyay falastiin

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa caasimadda Boqortooyada Bahrain uga qeybgaley meertada 54aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin iyo in degdeg xabbad joojin looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama yaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Boqortooyada Bahrain martigelinta shirkan muhiimka ah, iyadoo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA