Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Soomaaliya oo shaaciyay Sababta ay xirxireen Dhaliyaro Badan

Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Booliska magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dad ka badan 40 qof toddobaadkii ugu dambeeyay, kuwaasi oo ku eedeysan falal lidi ku ah amniga, kicin dadweyne iyo faafin anshax xumo.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyay in sababta ka dambeysa inay soo xiraan dadkaas aadka u badan maalmo gudahood, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb dowladnimada kamid tahay.

“Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asuubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Taliska Qaybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Dadkan oo dhammaantood horey uga soo muuqday telefishano maxali iyo baraha bulshada ayaa jeediyay haddallo ay ku durayaan go’aanno maxakamadeed oo soo baxay, hanjabaado loo jeediyay madaxda dowladda iyo warar u muuqaday kicin qabyaaladeysan.

Dadka 40-ka qof ka badan ee boolisku soo xiray, intooda badan waxa lagu soo xiray isla dharkii ay xirnaayeen markii ay muuqaalladooda soo dhigayeen barraha bulshada, taasi oo fal-celin badan ay ka sameeyeen dad kale duwan.

Hoos ka aqriso qoraalka booliska

Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada.

Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan Ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ah

Ciidanka Booliiska waa Hooyada Ciidamada Qalabka sida, waana ciidankii ugu horeeyay ee dalkeennu yeesho, ciidanka Booliisku waa Barbaariye, dhise iyo Badbaadiye.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA