Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka NISA oo gacanta Kuso Dhigay Xubno Ka Tirsanaa AS.

Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magalaada Baydhabo ayaa soo bandhigay sadax xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

Sadaxdaan xubnood ee lagu soo bandhigay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Ciidanka NISA oo gacanta ku haayo sadaxdaan nin ee kasoo goostay Al-shabaab waxay sheegeen in ragaan la marsiin doono habraaca loogu talo galay xubnaha kooxda ee isku soo dhiiba gacanta dowladda.

“Xubnahaan ayaa ku dhuumaaleysa jireen Gobollada Baay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen dhibaatooyinka AS ku wajaheysta duurka, waxayna saaxiibadood ugu baaqeen inay dowladda isku soo dhiibaan.” ayaa lagu qoraal kasoo dowladda.

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha wali ay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, waxaana sidoo kale xusid mudan in Koonfur Galbeed ay tahay halka ugu badan oo ay iska dhiibaan xubanaha kasoo goosta kooxda Al-shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA