Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeele oo maanta kormeeray Mashaariic laga fuliyay Matabaan

Khamiis 30, May 20224 {HMC}  Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa maanta soo kormeeray 25-mashruuc oo maamulkiisa ka hirgeliyay degmada Matabaan iyo deegaannada ku xeeran.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tagay xarunta sadhigga booliska, suuqa xoollaha, garoonka Diyaaraddaha degmada Matabaan iyo sidoo kale garoonka kubadda cagta ee Matabaan..

Socdaalka kormeerka waxaa Madaxweynaha Hirshabeelle ku wehlinayey maamulka degmada, maamulka gobalka Hiiraan, xildhibaano, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle ayaa dhagax-dhiggay dugsiga hoose, dhexe iyo sarre ee degmada Matabaan.

Dhaqanka iyo maamulka deegaanka Qod-Qod ayaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} waxa ay guddoonsiiyeen fardo iyagoo ugu dambeyn ka codsaday inuu degmo u meel-mariyo maadaama ay dhammeystireen sharuuddihii laga rabay.

“Ma jirto farxad ka weyn in adeegga ugu muhiimsan dowladnimada inuu maanta u dhan yahay shacabka degmada Matabaan iyo deegaanada hoos-taga. Bulshada Qod-Qod waxaan ugu mahadcelinayaa maamuuskii ay u sameeyeen aniga iyo wafdigeyda, waana u abaal-guddi doonnaa haddii uu Alle idmo.” Ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shacabka Hirshabeelle ugu bishaareeyay in la joogo waqtigii qurruxda dowladnima.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA