Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomalia iyo Safiirka Imaaraadka oo gaaray Balcad

Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare, oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar ee maalgelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaas oo u huray naftooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, isla markaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.

Kormeerkan oo Ra’iisul Wasaaraha ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar. Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA