Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo taageerrayso dadaallada lagu doonayo in lagu sugo xuquuqda Falastiin.

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee shacabka Falastiin.

Wuxuu cambaareeyay gardarada iyo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin. isagoo cusboonaysiiyay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto xadgudubyadaas

Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay taageerrayso dadaallada lagu doonayo in lagu sugo xuquuqda sharciga ah ee dadka reer Falastiin.

Wasiirka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka, caalamkana uu ka shaqeeyo ilaalinta dadka rayidka ah, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib u dhiska Qasa.

Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkan ka jeediyay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka furmay Magaalada Beijing.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA