Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kuuriyada Waqooyi oo buufinno ay ku jiraan qashin u dirtay Kuuriyada Koonfureed

Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Kuuriyada Waqooyi ayaa dalka dariska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ku daadisay ugu yaraan 260 buufin ah oo siday qashin, taasoo keentay in maamulku uga digo dadka deegaanka inay guryaha kasoo baxaan.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale shacabka uga digay inay taabtaan buufinnada cad cad iyo bacaha ku xiran sababtoo ah waxaa ku jira “qashin wasakh ah iyo waxyaabo xun”.

Buufinnada ayaa laga helay siddeed ka mid ah sagaal gobol oo ku yaalla Kuuriyada Koonfureed, waxaana hadda la baarayaa dhab ahaantooda.

Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed waxay labaduba adeegsadeen buufino ololahooda dacaayadda tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.

Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa goor sii horeysay sheegay in ay baarayaan in ay jiraan waraaqo borobogaando ah oo Kuuriyada Waqooyi ay kusoo dartay buufinnada.

Dhacdadan dhawaan dhacday ayaa timid maalmo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in ay ka aargoosan doonto “warqadaha iyo qashinka kale ee inta badan lagu daadiyo” meelaha xuduudka ah ee ay wadaan dhaqdhaqaaqayaasha koonfurta.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA