Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Kawada Hadlayaan Shekh Shariif iyo Fahad yasiin?

Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo la-taliyihii amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, ayaa wada-hadal ku leh dalka Turkiga, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii isbaheysi siyaasadeed ay u sameysan lahaayeen labada dhinac kaasi oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda mudo xileedkiisu galay sanadihii dhammaadka.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu kulankan uga wakiil yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddii labada dhinac ay si rasmi ah u dhistaan isbaheysi, waxa uu wax weyn ka beddeli karaa saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna caqabad xooggan ku noqon karaa madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ma cadda, haddii isbaheysigan uu ku egyahay kaliya kahor doorashada iyo haddii uu labadii madaxweyne ee hore uu mid tanaasuli doono si loo dhiso midka kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan waxaa u billowday sanadkii saddexaad ee muddo xileedkiisa, inkasta oo ay muuqdaan calaamado muujinayaa inuu doonayo muddo kororsi.

Labadii sano ee uu xilka haye madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hareeyey eedo ku saabsan isku day muddo kororsi iyo dhul boob, halka dagaalkii Al-Shabaab ee bilihii hore dardarta ku billowday uu u muuqdo in laga tanaasulay. Si kastaba, amniga caasimadda ayaa mudadaas soo hagaagay.

Farmaajo iyo Shariif ayaa la sheegayaa inay diiradda saarayaan xeelado siyaasadeed oo mideysan oo lagu wajaho Xasan Sheekh.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA