Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Netanyahu oo Ciidankiisa Kala Baxay xerada Jabalia ka dib jab weyn oo loo geystay

Khamiis 30, May 2024 {HMC}  Israa’iil ayaa bilowday inay ciidankeeda kala baxdo xerada Jabalia ee magaalada Gaza halkaasoo dhowaan askar badan looga dilay, kuwa kalana in nolasha lagu qabtay ay sheegeen Xamaas.

Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth, ayaa ku warramay guutada Paratroopers in laga saaray Jabalia.

Siddeed bilood ka hor Israa’iil ayaa sidan oo kale ugala baxday ciidankeeda xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, mar kale oo ay Israa’iil sheegtay inay dib halkaa ugu laabatay dhowaan waxayna ku andacootay inay burburinayaan ‘dib usoo laabashada awoodda Xamaas’, laakin mar kale ayay xeradan noqotay goob lagu burburiyay Israa’iil.

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee ciidanka Israa’iil oo hadda ah Wasiir ka tirsan Golaha dagaalka ayaa si adag u dhaleeceeyay Netanyahu oo uu ku sheegay inuu Israa’iil ku hoggaaminayo guul-darro,

Waxaa uu intaa ku daray; “Qofkii yiraahda waxaan kala diraynaa guutooyinka Xamaas ee Rafah, kadibna waxaan soo celinayna dadkii la afduubtay,wuxuu ku hadlaya dhalanteed— Waxaan u baahanahay 3 ama 5 sanno si aan u helno xasillooni, Xamaas waa urur fikir, haddii ay maanta doorasho ka qabtaan Qasa, way guulaysan lahaayeen.” ayuu yiri wasiirka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA