Thursday, June 13, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya oo 10 milyan oo Dollar ka heshay IMF

Khamiis 30, May , 2024 {HMC} Madaxda are ee Hay’ada lacagta Aduunka IMF oo dhameystiray dib u eegistii ugu horeysay ee hoos timaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya, ayaa ogolaaday in si degdeg ah loo bixiyo ilaa 10 milyan oo doolar si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.

Taageeradan ayay IMF sheegtay in la marin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada maaliyadeed ee IMF ee Soomaaliya $50 milyan .

Hay’ada IMF ayaa dhinaca kale sheegtay in Kobaca dhaqaale ee Soomaaliya la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba sanadkan 2024 marka la barbar dhigo 2.8 2023.

 

“Soomaaliya waxay sii waddaa inay horumariso ajandaheeda dib-u-habaynta, waxqabadka. Waa in la joogteeyo xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda dawladda, kor u qaadida qoto-dheeraanta maaliyadda, hagaajinta maamulka, iyo kor u qaadida tirakoobka,”ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda IMF.

 

IMF waxa ay sheegtay taageeradan inay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda.

 

Soomaaliya ayaa la kulantay guul weyn oo taariikhi ah, ka dib marki dalka laga cafiyay deymihii ugu badnaa ee lagu lahaa. IMF iyo World Bank waxay sheegeen in Soomaaliya ay haysato fursad wanaagsan oo ay ku heli karto deeqo caalami ah iyo maalgashi ballaaran.

{DAAWO MUUQAALKA} Nidaamka dhismaha Gobolka Banaadir oo xariga laga jaray.

kHAMIIS 12 June 2024 {HMC}Nidaamka dhismaha Gobolka Banaadir oo xariga laga jaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Cawil Maxamed Jibriil “Waxaan dib u howl gelinay ceelal badan

kHAMIIS 12 June 2024 {HMC}Cawil Maxamed Jibriil “Waxaan dib u howl gelinay ceelal badan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA