Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Real Madrid Oo Markii 15aad Ku Guuleysatay Champions League

Axad 2 June 2024 {HMC}  Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa markii 15aad ku guuleysatay koobka Champions League, iyadoo 2-0 ku garaacday Borussia Dortmund oo ay finalka iskugu soo baxeen.

Los Blancos ayaa dhigtay taariikh cajiib ah oo aan soo mari doonin kubadda cagta Yurub, waxaanay laba-jibbaar iyo waliba dheeraad ka koobab badnaadeen naadiga kusoo xiga dhinaca guulaha Yurub oo ah AC Milan oo toddoba koob haysata.

Laba gool oo qaybtii dambe ay kala dhaliyeen Dani Carvajal iyo Vinicius Junior ayaa Real Madrid siiyey guushan taariikhiga ah oo ay garoonka Wembley ee magaalada London ugu dabbaal-dageen, taas oo sidoo kale taariikh u ahayd tababare Carlo Ancelotti oo markiisii shanaad isaga oo tababare ah ku guuleystay koobkan.

Real Madrid oo xilli-ciyaareedkan kusoo guuleysatay horyaalka LaLiga iyo Spanish Super Cup, ayaa waxa ay haddana ku darsatay tartanka Champions League iyadoo dhamaan koobabkii ay u tartameen uu kaliya ka maqan yahay Copa del Rey.

Ciyaartan oo qaybta hore ay fursado badan heshay Borussia Dortmund oo aan ka faa’iidaysanin fursadaheeda ayaa waxa qaybta labaad gacanta sare yeelatay Real Madrid iyadoo Borussia Dortmund u muuqanaysay in ciyaartoydeedu ay daaleen.

Daqiiqaddii 23aad ayaa Borussia Dortmund ay birta garaacday, iyadoo kubbad uu Niclas Füllkrug lugta bidix ku dhaafiyey goolhaye Courtois ay birta kusoo dhacday isla markaana dib usoo noqotay.

Waxyar kaddib ayaa Adeyemi uu kubbad ku toogtay goolka oo uu birta dhinac mariyey, halka Jadon Sancho uu soo burburiyey dhinaca bidix ee Madrid oo uu goolka yimid dhawr jeer.

Fursadda kaliya ee Real Madrid ay heshay qaybta hore waxa ay ahayd laad xor ah oo uu Toni Kroos ku toogtay goolka oo uu goolhayuhu koorne u saaray iyo kubbad madax ahayd oo halis ay shabaqa dusha kaga dhacday.

Kubbad uu dhinaca midig kala soo galay Vinicius Junior ayaa waxa koorne u saaray difaaca, waxaana halkaas ka yimid goolka koowaad oo koornihii lasoo qaaday uu shabaqa taabtay.

Daqiiqaddii 74aad ayaa uu Toni Kroos soo qaaday koorne uu madaxa u saaray Dani Carvajal oo kubadda usii raaciyey dhinaca goolka, waxaana ku hubsaday shabaqa.

Waxyar kaddib waxa fursad fiican helay Dani Carvajal oo darbad xooggan ku toogtay goolka balse waxa ka badbaadiyey goolhayaha, halka Jude Bellingham uu sidoo kale laba jeer u dhowaaday inuu shabaqa taabto balse laga leexiyey kubadda.

Daqiiqaddii 83aad ayaa Real Madrid ayey Real Madrid dhalisay goolka labaad oo uu u saxeexay Vinicius Junior oo kubbad dahabi ah ka helay Jude Bellingham oo meel cidlo ah u dhigay, waxaanu ku dhamaystiray lugta bidix.

Dortmund ayaa keentay gool uu u saxeexay Niclas Füllkrug, hase yeeshee waa laga diiday markii la xaqiijiyey inuu ku jifay offside.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA