Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xiddigii Arsenal Oo Cusbitaalka Loola Cararay Iyo Baroor-diiq Bilaabantay.

Axad 2 June 2024 {HMC} Xiddigii kooxda kubadda cagta Arsenal ee Kevin Campbell ayaa loola cararay cusbitaalka, waxaana baraha bulshada qarqiyey farriimo lagu taageerayo iyadoo halyeygii Gunners ee Ray Parlour uu qoraal qiiro leh kusoo daabacay bartiisa bulshada.

Kevin Campbell oo muddo toban sannadood ah u ciyaaray Arsenal intii u dhaxaysay 1985kii illaa 1995kii, ayaa Gunners ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Premier League, FA Cup, League Cup iyo European Cup Winners’ Cup.

54 jirkan ayaa toddobaadkii hore la dhigay dhakhtarka oo uu laga soo saaray, hase yeeshee mar kale ayuu laacibkan hore galay xaalad miyir beel ah, waxaana sii cuslaatay xaaladdiisa caafimaad.

Parlour ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu horreysay ee Arsenal ee baraha bulshada yimaadda, waxaana muuqaal uu soo duubay oo uu ku baahiyey bartiisa X uu ku yidhi: “Waxa aan maqlay, in saaxiibkaygii hore, ciyaartoygii aanu isku kooxda ahayn ee Kevin Campbell uu dhibaatoonayo waqtigan.

“Dhamaan qoyska kubadda cagta ayaa waqtigan ku garab taagan adiga, Kev. Waan ogahay in aad tahay mid dhaqankiixu xooggan yahay, saaxiib.”

Kevin Campbell ayaa waxa uu Arsenal u saftay 209 ciyaarood oo uu u dhaliyey 55 gool iyo 20 kale oo uu caawiye ka noqday.

Waxa kale oo uu Kevin Campbell usoo ciyaaray kooxaha Everton, Nottingham Forest, West Brom, Cardiff iyo kooxda reer Turkey ee Trabzonspor, halka uu waqtiyo amaah ahaa ku tegay kooxaha Leyton Orient iyo Leicester City.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA