Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mid ka mid ah dalalka ugu weyn dunidda oo Haweeney Yuhuudi ah madaxweyne ay ka noqotay.

Isniin 3 June 2024 {HMC} Haweenayda Claudia Sheinbaum oo ah musharrax asalkeedu yahay Yuhuud ayaa ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada ee dalka Mexico.

Waxay noqotay madaxweynihii ugu horreeyay ee dumar ah iyo qofkii ugu horreyay ee Yuhuudda Mexico oo loo doorto xilka madaxweynaha dalkaasi.

Kaliya 60,000 kun oo Yuhuud ah ayaa ku nool Mexico kuwaasoo ka mid ah 130 milyan ee ay ka kooban yihiin guud ahaan dadka Mexico, laakin guusheeda waxay albaab u noqon kartaa xubno badan oo Yahuud ah inay qabtaan xilal sare.

Sheinbaum, waxay siyaasadda soo gashay iyadoo da’yar ah, markii u horreysay sannadkii 2000 waxay ka shaqo gashay xafiiska duqa Mexico City, illaa ay markii dambe isla kursiga la wareegtay oo loo doortay duqa caasimadda Mexico.

Waxay PhD ku qaadatay injineernimada tamarta iyadoo 33 jir ah, marka ay diyaarinaysay qoraalkeeda PhD-ga , waxay waqti ku qaadatay jaamacadda California, Berkeley ee dalka Mareykanka. Hadda oo ay ku guuleystay xilka Madaxweynaha waa 61 sanno jir.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA