Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ardeydii ugu badneyd oo Maanta Magaalada Muqdisho u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah

Isniin 10 June 2024 {HMC} –  Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad.

Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay maanta illaa 35,307 arday oo dhigata 656 iskuul, sida uu shaaciyay gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daah-furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ardeydii u badneyd.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 gabdhood. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.

Mr Yabooh oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirra-geliyay in ay dedaalkooda waxbarashada ka mira-dhaliyaan.

“Waxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaa,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Ardeyda maanta imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad u fariisatay ayaa waxaa qayb ka ah ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba (naafada) kuwaasi oo iskuullo gaar u ah wax ku barta.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA