Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Falcelin ka dhalatay go’aan la xiriira Xajka oo Sacuudiga uu ku dhowaaqay.

Isniin 10 June 2024 {HMC} Caro iyo dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii wasiirka Xajka iyo cumrada Sacuudiga uu ku dhowaaqay in boqortooyada aysan ogolaan doonin “hal-ku-dhigyada siyaasadeed” inta lagu jiro xajka, isaga oo ula jeeda ficillada garab is-taagga loogu muujinayo Falastiiniyiinta.

Tawfiiq Al-Rabiah oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyaad ayaa sheegay in Xajka “loo yaqaan hab cibaado, waxaana aad u daneyneynaa inaan xaqiijino nabadda si qof walba uu si fudud ugu guto cibaadadiisa.”

Waxa uu intaa ku daray “Sidaas darteed, Xajku waa cibaado ee maaha mid loo adeegsado hal-ku-dhegyo siyaasadeed, taasina waa waxa ay hoggaanka boqortooyada doonayaan in ay xaqiijiyaan – in Xajku ka kooban yahay astaamaha ugu sarreeya ee khushuuc, xasillooni iyo diin.”

Hadalladan ayaa waxa ay dhaliyeen caro badan oo ka timid dad badan oo Muslimiin ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo su’aal ka keenay sida aan caddayn ee hadalka loo dhigay, kaasi oo u muuqday mid tixraacaya mudaaharaadyada caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo dagaalka burburka leh ee lagu hayo Gaza iyo qul-qulka taageerada Muslimiinta ee qadiyadda Falastiin.

“Islaamku waa hab nololeed, ma kala qaybsana qaybta ‘siyaasadda’ iyo ‘cibaadada’ ee Islaamka. Nebi Muxamed NNKH wuxuu siyaasadda iyo istiraatiijiyadda dagaalka uga hadli jiray masjidka,” ayuu yiri qof qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Mid kale ayaa waxa uu iftiimiyay in Xajku yahay xilli lagu fekerayo nuxurka Muslimnimada, oo ay ka mid tahay “diididda dulmiga”.

Qaar kale waxay xuseen in inkasta oo oo uu yahay dal miisaan siyaasadeed ku leh gobolka, haddana Sacuudi Carabiya ay sii waddo mawqifka la dhimay ee ka qaybgalka diblamaasiyadeed, taas oo wiiqday diinta iyo qiyamka qoyska boqortooyada al-Sacuud.

“Iyadoo uu socdo xasuuqa Gaza, aamusnaanta maamulka Sucuudiga waa wax uu ka naxo qof kasta oo bani’aadam ah iska daa Muslim,” ayuu yiri qof kale.

Qaar ayaa iftiimiyay waxa ay u arkayeen in ay tahay laba wajiyeynta mas’uuliyiinta Sucuudiga iyaga oo xusay in ammaanida amiirka dhaxal-sugaha ah aan loo qaadan doonin dhibaato ‘siyaasadeed’.

Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa, Saami Xamdi oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda oo hadalka Rabiic su’aal geliyay, wuxuuna weydiiyay: “Maxay tani la macno tahay? Ha ka hadlin xasuuqa Gaza marka aad ku sugan tahay Baydka Allah?”

Dhaleeceyntan ayaa waxaa ka jawaabay akoonka Inside the Haramain, oo ah kan rasmiga ah ee labada Masjid ee xaramka.

“In loo duceeyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan walaalaheen Gaza la ma mamnuucin, tani gabi ahaanba waa been abuur, waxa la mamnuucay waa hal-ku-dhegyo siyaasadeed, hadday tahay waddan iyo gobol kasta, keliya xuska Allah ayaa lagu soo qaadi karaa labada Masjid ee barakeysan,” ayaa lagu qoraal ay Inside the Haramain soo dhigeen barta X.

Bilihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa lagu soo warramayaa in ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah shaqsiyaadka dhaleeceynaya duullaanka Israa’iil ay ku hayso Gaza, iyadoo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la gasho Israa’iil uu weli miiska u saaran yahay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA