Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu Aadan Madoobe u Ballanqaaday Baarlamaannada Maamul Goboleedyada?

Isniin 10 June 2024 {HMC} – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ku dhex maray Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedka Jubaland, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cuna qabateyntii hubka ee dalka saarneyd, ku biiristii Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiilada Jubaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac Iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ballanqaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA