Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiir Roobow oo si yaab leh uga hadlay Arrimaha Xajka ”Dalxiis ma’ahan Xajka”

Isniin 10 June 2024 {HMC} Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ka qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xajka sanadkan oo mar kale cabasho xoogan ay ka timid.

Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay

Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.

Wasiirka oo ka jawaabayay arrintaasi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo fashilinaya Xajka, iyaga oo ka raadinaya dano kale, sida u hadalka u dhigay.

“Waxaa nasiib darro ah in mararka qaar la arkayo qof dhahaya Xajkaan fashilinayaa, subxaanalaah, war xajka waa rukni ka mid ah arkaanul islaam” ayaa yiri Roobow.

Isaga oo ka hadlayay dayaacadda la sheegay in lagu sameeyay xujeyda Soomaaliyeed ayuu ku jawaabay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma’ahan”.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay guddiga haatan shaqada wada iyo shirkadaha Xajka in looga baahan in ay daacad ka noqdaan shaqadooda, isla markaana ay Alle uga baqaan adeegga ay u hayaan shacbka.

“Mukhtaar waa tagayaa ama waa la taksiinayaa ee shaqadiina ha’iska haleynina, Ilaaheyna uga baqa” ayuu sii raaciyay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya.

Si kastaba, tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa illaa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA