Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Baadi goobka Diyaaradii sidday madaxweyne ku-xigeenka Malawi oo ka socoto gudaha dalkaasi.

Talaado 11 June 2024 {HMC} Diyaarad milateri oo uu la socday madaxweyne ku xigeenkii Malawi Saulos Klaus Chilima ayaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd isgaadhsiinta goobaha laga hago duulimaadyada ee dalka Malawi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dawladda dalkaas.

Diyaaradda ayaa duushay barqonimadii wakhtiga dalka Malawi, waxaana duulimaadkaas la socday madaxweyne ku xigeenka iyo sagaal xubnood oo kale.

Diyaaradda ayaa ka duushay caasimadda dalka Malawi ee Lilongwe, hase ahaatee waxay ku guuldaraysatay inay ku degto garoonka caalamiga ah ee Mzuzu oo qiyaastii 370Km woqooyi ka xiga caasimadda dalkaas.

Dawladda Malawi ayaa sheegtay in dhammaan dedaaladii ay sameeyeen saraakiisha hay’adda duulista hawadu, inay ku guuldaraysteen inay helaan xidhiidhka diyaaradda.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa baajiyey safar uu dhowaan ku tegi lahaa dalka Bahamas oo uu booqasho rasmi ah ku tegi lahaa, waxana uu ku baaqay gurmad degdeg ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA