Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} RW Xamse oo sheegay inla mideynayo dhammaan tababarrada ciidanka qalabka sida

Talaado 11 June 2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA