Thursday, June 13, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Mukhtaar Roobow oo la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga

Talaado 11 June 2024 {HMC} – Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga mudane Towfiiq Binu Fowsaan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya.

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed oo hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol taas oo ka dhigan in sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed in ay tahay 12 Malyan.

“Waxaan u sheegay Wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka Badan tahay intaas balse aan Tira koob lagu sameyn waqti-dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.

{DAAWO MUUQAALKA} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA