Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Puntland oo Ammar cusub dul dhigtay shirkadaha Isgaarsiinta deegaanada Puntland.

Talaado 11 June 2024 {HMC} Maamul goboleedka Puntland ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira deegaannada maamulkaasi, in aysan gudaha magaalooyinka iyo bannaankaba aysan ka dhisi karin taawarro cusub ilaa ammar dambe.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada maamulka Puntland ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarrada cusub.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shirkadaha isgaarsiinta aysan wax taawarro cusub ah ka dhisi karin xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u geysan degaanka iyo bulshada.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay wasaaradda Deegaanka Puntland lagu sheegay in cabasho xooggan kasoo gaartay dadka shacabka ah ee degan goobaha taawarrada laga dhisay, waxa ayna dadka ka cawday shucaaca taawaradda iyo qeylada matoorada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA