Saturday, July 20, 2024
spot_imgspot_img

AFRICOM oo iska fogeeysay ineey duqeyn ku dileen laba dhaqtar oo Al-shabaab u afduubnaa

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Militariga Mareykanka ayaa is fogeeyay masuuliyada dil loo geystay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo ku jiray gacanta kooxda Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay u shaacisay in labada dhaqtar ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanka ka geystay 15-kii bishii Febraayo ee sanadkaan 2024 deegaano hoostaga degmada Jilib.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen sadaxdii bilood ee ugu dambeysay oo la xariirta duqeyntii ay ka geysteen nawaaxiga Jilib ineysan ku dhiman dad rayid ah.

AFRICOM waxay sidoo kale iska fogeysay eedeymo la xariira in duqeymo ay geysteen bilahii Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii ee sanadkan oo ka dhacay nawaaxiga magaalooyinka kala ah Galhareeri iyo Kurtunwaarey iney ku dhinteen dad rayid ah.

Ugu dambeyntii labada dhakhtar ee Militariga Mareykanka beeniyeen iney ka dambeeyaan dilkooda ayaa lagu kala magacaabi jiray Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, kuwaas oo kooxda Al-shabaab ay kasoo afduubeen bishii April ee sanadkii 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

{DAAWO MUQAALKA} WARAYSI: Kooxda Da’yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad

Jimco 19, July 2024 {HMC} WARAYSI: Kooxda Da'yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.07.2024}

Jimco 19 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed...

WARARKA