Saturday, July 20, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Nisa Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Degmada Maxaas

Arbaco june, 12, 2024 (HMC) –  Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee {NISA} Cabdullaahi Maxamed Cali {Sanbaloolshe}oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.

Masuuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali {Sanbaloolshe}

 

{DAAWO MUQAALKA} WARAYSI: Kooxda Da’yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad

Jimco 19, July 2024 {HMC} WARAYSI: Kooxda Da'yarta Dhagax jibis oo usoo baxday wareega 2aad ee Tartanka Heerka labaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.07.2024}

Jimco 19 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed...

WARARKA