spot_imgspot_imgspot_img

Duulimadkii qaahira iyo Muqdisho oo dib ubilaabanaya iyo dowladda DF oo ka hadashay.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Shirkadda diyaarada Masar ee Egypt Air oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadyo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna soo saartay wargelin ku aadan duulimaadyadeeda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti.

“War xiiso leh! Diyaaradda Egypt Air waxay bilaabaysaa khad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in duulimaadyadooda ayaa billaabanayaan wixii ka dambeeya 11-ka bishan June oo shalay ahayd, ayna tagi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sida lagu sheegay qoraalka todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti.

“Laga bilaabo 11-ka July 2024, kasoo duul Qaahira Khamiis iyo Sabti kasta. Qaahira illaa Muqdisho oo ku sii hakanaya Jabuuti.” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada Garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli diyaaradda Fly Dubai oo kamid aheyd diyaaradaha caalamiga ah ee yimaada Muqdisho ay ku dhowaaqday inay joojineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho wixii ka dambeeya 11-ka bishaan June oo shalay ku beegneyd.

Laba arrimood ayaa loo sababeeyay arrintaan, balse mid kamid ah labadaasi qodob waxaa ku hareeraysan waxyaabo daciifinaya. Labada qodob mid waa suuqa midna waa siyaasadda.

WARARKA