spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Nigeria oo kufay ka hor inta uusan fuulin gaarigii qaadi lahaa

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa simbiriiraxday oo dhacay ka hor xuska 25 guurada dimuqraadiyadda dalkaas.

Madaxweynaha oo 72 jir ah ayaa dhacay isagoo korayay jaranjarada gaariga u qaadi lahaa fagaaraha Eagle ee caasimadda Abuja.

Mid ka mid ah kaaliyayaashiisa ayaa ku tilmaamay in uu lugta la gafay jaranarajada, wuxuuna sheegay in ay u suuragashay in uu qeyb ka ahaado inta ka hartay barnaamijka.

Shehu Sani oo ah siyaasi caan ah ayaa sheegay in aysan wax weyn aheyn, madaxweynahana uu san ka duwaneyn dadka caadiga.

Inta badan dadka Nigeria ayaa u rajeeyay caafimaad balse qaar ayaa su’aalo ka keenay caafimaadkiisa taa oo la mid ah tii mucaaradka ay sheegeen ololihii doorashada ee sanadkii hore

WARARKA