spot_imgspot_imgspot_img

Sidee Loosoo Qabtay Askarigii toogtay taliyihiisii ee xabsiga ka baxsaday?

Khamiis june, 13, 2024 (HMC) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa manta la hor geeyey askari xabad ku dhiftay Taliyihiisii, xilli lagu sugnaa furimaha dagaalka, kiiskaan ayaa ka mid noqday kiisaskii ugu cajiibsanaa ee maxkamadda ku soo dhamaada.

Askarigaan wuxuu afka xabad uga dhuftay taliyihiisii, xilli ciidanku u uku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraa, intaas kadib waxaa loo qaaday Guriceel, si loo maxkamadeeyo.

Intii ay socotay howsha maxkamadeynta wuxuu askarigaani ka baxsaday xabsiga, wuxuu soo galay Muqdisho, kadibna wuxuu degay Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada, ehellada taliyihii la dhaawacay iyo dhinacyo kale oo kiiskaan ku lug lahaa waxay isku dayeen inay soo qabtaan askarigaas, waxaana loo maleegay dabin uu markii dambe ku soo dhacay.

“Waxaan helnay lambarkiisa, waxaan siinay gabar si ay haasaawe ama shukaansi ula sameyso, kadibna u soo gacan gelisok, wuxuu gabadhii ka aqbalay xiriirka, kadib wuxuu ka codsaday inay ugu timaado xaafadiisa Tabeelaha, balse waa ay ka diiday waxayna ku balamisay xeebta Liido, halkaas ayaa loogu diyaariyey ciidankii qaban lahaa, oo ku guuleystay inay soo qabtaan,” ayuu yiri xeer ilaaliyihii dacwadda ku soo oogay askarigaan.

Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa ku jees jeestay sida fudud ee askarigaan uu ku soo gacan galay, iyadoo la soo baray xeeladahaan oo kale, waqti iyo dhaqaale badana ay tababarkiisa gelisay dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay in askarigaan labo arrin lagu xukumo, 1-inuu bixiyo dhiiga taliyihii uu xabadda ku dhuftay ee dhaawaca daran uu soo gaaray, 2-Iyo in lagu xukumo xabsi adag, si ay ugu quus qaataan askarta kale.

Xabadda uu askarigaan ku dhuftay taliyihiisa waxay ka dhalatay muran dhanka shaqada ah oo dhex-maray kadibna askariga ayaa taliyihiisa ugu hanjabay inuu baxad ku dhufa doono, murankii oo sii dheeraaday ayaa sababay in askarigii uu afka xabad u dhafto taliyaha.

Ilkihii iyo lafihii ka faniinay afka taliyaha ayaa ku dhacay nin kale oo askari ahaa, kaas oo marqaati ahaan manta loo horkeenay maxkamadda ciidamada, ugu dambeyntii guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in go’aan laga soo gaari doono kiiskaan.

WARARKA