spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu Yahay Hadal Mareykanka uu kasoo saaray Soomaaliya ee ka careeysiiyay Cuba?

Jimco 14 June 2024 {HMC} Havana – Havana ayaa Khamiistii diiday, oo sheegtay in aysan ku filneyn, hadal dhawaan ka soo baxay Mareykanka oo ku saabsanaa masiirka labo dhaqtar oo Cuba u dhashay oo shan sano ka hor ay kooxda Al-Shabaab ka soo afduubteen Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii February sheegtay in dhakhaatiirta kala ah; Assel Herrera iyo Landy Rodriguez lagu dilay isla bishaas duqeyn uu Mareykanku ka geystay magaalada Jilib.

Hase yeeshee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay in dib u eegis lagu sameeyay xogta la hayo ay muujisay in “Weerarkii cirka ee Mareykanka uu fuliyay Feberaayo 15, 2024 aysan ka dhalan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah”.

Wargeyska Granma, oo ku hadla afka dowladda Cuba, ayaa maqaal uu daabacay Khamiistii ku sheegay in qoraalka AFRICOM “aanu si cad u xusin dhakhaatiirta Cuba.”

Sidoo kalena, wasiirka arrimaha dibadda Bruno Rodriguez ayaa sheegay Arbacadii in warbixinta Maraykanku “aysan soo kordhinayn wax cusub,” isaga oo intaa ku daray in Havana ay sugaysay tan iyo bishii April “jawaabta codsi ay Cuba si rasmi ah u ugu dirtay AFRICOM oo ku saabsan weerarada meelo ka mid ah Soomaaliya.”

Sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in dhaqaatiirta Cuba lagu dilay weerar ay fuliyeen Mareykanka ayaan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Dhakhaatiirtan ayaa qayb ka ahaa guuto caafimaad oo Cuban ah oo ka kooban 100 xubnood oo uga shaqaynayey Kenya heshiis laba geesood ah, markii la afduubtay bishii April 2019.

Cuba waxay leedahay guutooyin caafimaad oo ku sugan in ka badan 50 waddan, taasi oo oo qayb ka ah waxa loogu yeero “diblomaasiyadda jaakadda cad.”

WARARKA