Thursday, July 25, 2024
spot_imgspot_img

Caro ka dhalatay goob jimicsi oo keliya loogu talo galay haweenka ilbaxa ah

Sabti 15 June 2024 {HMC} – Goob jimicsi oo ku taalla Kuuriyada Koofureed ayaa mamnuucday “haweenka waaweyn” ee sida xun u dhaqmaya, taasoo keentay dood ku aaddan takoor ka dhan ah haweenka da’da ah ee dalkaas.

Jiimka oo ku yaalla magaalada Incheon meel u dhow caasimadda Seoul ayaa waxaa lagu dhejiyay boor ay ku qoran tahay “looguma talogelin ajummas” “keliyana haweenka ilbaxa ah ayaa loo oggol yahay”.

Ajumma waa eray dalkaasi looga yaqaanno haweenka waaweyn – caadiyan-30meeyada iyo wixii ka korreeya – balse waxaa sidoo kale loo adeegsadaa dhaqamada aan habbooneyn.

Wararka gudaha ayaan lagu magac-dhabin jiimka iyo milkiilahaba. Hase yeeshee wuxuu milkiiluhu difaacay tallaabadan, isagoo sheegay in shirkaddiisa ay khasaare kasoo gaartay haweenkan iyo dhaqamadooda aan xadka lahayn.

Wuxuu sheegay in haweenka da’da ah ay saacado ku qaataan qolka dharka la isaga beddelo si ay dharkooda ugu dhaqdaan, iyagoo sidoo kale xadaya alaabaha sida tuwaalka, saabbuunta iyo agab kale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.07.2024}

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Ahmed Maaskaro Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Iskuulka Banaadir oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyey Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka.

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Iskuulka Banaadir oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyey Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

WARARKA