spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro MD Putin in uu joojinayo dagaalka uu ka wado Ukraine?

Sabti 15 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa goor dhow soo bandhigay hindise uu sheegay haddii la fuliyo inuu joojinayo duulaanka Ukraine.

Isagoo ku xiray si dagaalka loo joojiyo inay Ukraine iyo reer galbeedka fuliyaan shuruudaha Ruushka ee kala ah; Ukraine inay ciidankeeda ka saarto afar gobol oo kala ah; Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporozhye oo uu ku sheegay aftidii laga qaaday inay ku biireen Ruushka.

Waxaa kalo uu ku xiray si wada-hadallo loo billaabo inay Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ku biiritaanka NATO iyo inay dalalka reer galbeedka cunaqabateynta ka qaadaan Ruushka, isagoo ku hanjabay haddii Ukraine iyo reer galbeedka ay diiddan hindisahan cusub inay xaaladdo sii xumaan doonto oo Ruushka uu la imaanayo shuruudo kale.

Dhinaca kale, Dawladda Switzerland, ayaa shaacisay liiska ka qaybgalayaasha shirka nabadda Ukraine , iyadoo hoggaamiyayaasha shirka ka qaybgalaya uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Ruushka ayaa diidday inuu shirkan ka qaybgalo, halka Shiinaha uu ku sheegay shir aan waxtar lahayn, maaddama aysan si siman uga qaybgaleen Ruushka iyo Ukraine, wuxuuna Shiinaha ka baaqsaday inuu wafdi u diro, halka Biden uu doorbiday inuu ka qeybgalo olole lacag aruurinta ah oo lagu qabanayo California, wuxuuna shirka u diray ku-xigeenkiisa.

Ukraine ayaa isku dayaysa inay shirkan ka raadiso taageerro, wallow ay hoos u dhigeen dalalkii saameynta ku lahaa labada dhinac oo Turkiga iyo Sacuudiga ay ka mid yihiin. Ruushka ayaana si adag u cambaareeyay shirkan, inta ay socotay qabanqaabadiisa waxaa ay Switzerland, la kulantay weerarro dhinaca internetka, balse ma jirin wax eedeyn ah oo ay u jeedisay Ruushka.

 

WARARKA