Thursday, July 25, 2024
spot_imgspot_img

Wasaarada Gaashaan Dhiga oo si kulul uga hadashay qaraxii lagu dilay G/lle Max’ed Dheere & saraakiil kale

Sabti june, 15 2024 (HMC) –  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee G/le Maxamed Nuur Sheegow {Mad Dheere}, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha kula shahiiday qaraxa miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen gudashada waajibaadkooda Qaran.

“Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

“Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban ay ka badbaadiyaan Cadowga Khawaarijta ah” ayuu intaas ku daray Wasiirka.

Qaraxa lagu dilay Masuuliyiinta iyo saraakiisha la socotay ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.07.2024}

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Ahmed Maaskaro Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Iskuulka Banaadir oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyey Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka.

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Iskuulka Banaadir oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyey Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

WARARKA