spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Bulshada Magaalada Baladweyne

Talaado 18 June 2024 {HMC} – Maamuka Gobolka Hiiraan iyo Kan Degmada Baladweyne ayaa maanta kulan la qaatay Bulshada qeeybaheeda kala Duwan kaasi oo looga hadlayey sidii Magaalada Baladweyne ay u yeelan leheyd Laamiyo,

Sanadihii lasoo dhaafay Magaalada waxaa ku dhuftay fatahado kuwaasi Burburiyey Goobaha muhimka ah oo ay ugu horeeyaan laamiyada

 

kulanka maanta lagu qabtay Magaalada Baladweyne waxaa ka qeeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Xasan ibraahim Cabdulle Maayarka Magalada Baladweyne Nadar Tabaax maalin iyo Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Cumar Calasoow waxaana warbixin looga dhageystay Howl wadeenada Mashruuca PIU maalgilinaayo Bankiga aduunka.

 

Madaxda maamulka ayaa sheegay in ka maamul ahaan waqti iyo juhdi ku bixin doonaan sidii loo Fulin lahaa dhismaha wadooyinkaan oo qeyb weyn ka qaadan doono bilicda iyo isku socodka bulshada.

 

Ugu dambeyn madaxda maamulka ayaa u mahadcilinayaa Howl wadeenada Mashruuca PIU- Wold Bank, UNOPS iyo dhammaan inta ka qeyb qaadaneyso mashruuca, waxeeyna Bulshada reer Beledweyne ugu baqeen inay qeybtooda kaga aadan ka qaataan siduu mashruucaan waxtarka u leh Bulshada ufuli lahaa.

WARARKA