Thursday, July 25, 2024
spot_imgspot_img

Wararki ugu danbeeyay ee Gaza

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Taangiyada Isra’il oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka, ayaa kusii siqay gunta dhinaca galbed ee degmada Rafax ee koofurta Marinka Gaza.

Saraakiisha caafmaadka iyo dad goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada Isra’il ay Arbacadi shalay Rafax ku dileen ugu yaraan siddeed qof, kuwaas oo intooda badani ku dhintay madaafiicda cirka iyo kuwa taangiyada ee ay labeegsadeen xaafadda Al-Mawasi.

Al Mawasi oo u dhaw dhinaca xeebta Gaz ayaa waxaa u qaxay boqollaal kun oo qoys oo ka cararay Rafax, kaddib weerarki ay ciidanka Isra’il ku qaadeen Rafax.
Dadka xaafadda Al-Mawasi ayaa sheegay in ciidanka Isra’il ay gubeen dhowr guri oo ku yaalla galbeedka Rafax, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan kala bar dadka rayidka ah ee u qaxay Rafax.

Duqeymo kale oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen koofurta Gaza Arbacadi shalay, ayay ku dileen ilaa 12 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay wakaaladda wararaka ee Reuters u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Dadka lagu dilay duqeyntaasi ayaa la sheegay in ay sugayeen kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday Gaza, kuwaas oo laga soo gudbiyay marinka Karem Shalom ee jidka Salaaxuddiin ee waqooyibari ee Rafax.

Dagaalka ay Isra’il ku qaadday Gaza oo soo billowday bishii October, kaddib weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, ayaanan u muuqan mid dhawaan soo gaba gaboobayo, kaddib marki ay fashilmeen dhowr isku day oo lagu rabay in xabbad-joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.07.2024}

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Ahmed Maaskaro Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Iskuulka Banaadir oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyey Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka.

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Iskuulka Banaadir oo Xaflad Sagootin ah u Sameeyey Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

WARARKA