spot_imgspot_imgspot_img

Guud ahaan Dalka waxa maanta looga fariistay Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare.

Sabti 22 June 2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta ka furmay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dusiga sare, kaas oo ay sanadkii 10-aad qaadeyso wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare.

Sanadkan waxaa imtixaanka ka qayb-galaya arday ka badan 37 kun, sida uu shaaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasiirka oo ka hadlay furitaanka imtixaankan ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen magaalooyin cusub iyo deegaano laga xoreeyay kooxda AS.

“Wax badan ayaa sanadkan lagu soo kordhiyay imtixaanka tirada ka qayb-galayaasha waxay gaartay 37038 arday, tirada xarumaha waa 136 goobood, tirada dugsiyada ka qayb-galaya 736 dugsi, tirada shaqaalaha kormeerayo 2,870 ah iyo tirada ciidanka booliska ee ka howlgalaya oo ah 2176 askari” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in imtixaanka uu sanadkan ka duwan yahay sanadihii hore, ayna ku dadaaleen dhanka tayada iyo ilaalintiisa.

“Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa aad looga shaqeeyay inuu imtixaanka ka duwanaado imtixaanadii hore dhanka tayada iyo dhanka gaarsiinta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Dhankiisara’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo imtixaanaadkan ka daah-furay Muqdisho ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay imtixtaanka qayb ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan wasaaradda”.

Waxaa kale oo ra’iisul wasaaruhu boggaadiyay in sanadkan imtixaanka lagu galaayo degmooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka kooxda AS.

“”Goobo badan oo xagga amniga sanadihii hore aan imtixaanka laga gelin ayay hadda suurtagal noqotay in imtixaanka la geeyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana imtixaanka u fariistay illaa 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

WARARKA