spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo Ka Digay Weerar Isra”iil ku Qaado Dalka Lubnaan

Sabti june,22 2024 (HMC) – Sarkaalka Maraykanka ah ee u dhashay Israa’iil isla markaana ah la-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka, Amos Hochstein ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay Saraakiisha Sare ee Lubnaan oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaare Najib Mikati iyo Afhayeenka Baarlamaanka Nabih Berri, in Israa’iil ay isu diyaarinayso inay billaaban duullaan ka dhacaya Koonfurta Lubnaan,

Ujeedada duulaanka ayuu sheegay iney tahay in la riixo Xisbullah.

Hochstein oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay filayaan in duullaanka la billaabo 5-ta toddobaad ee soo socda, haddii aysan Xisbullah joojin weerarrada.

Waxaa uu intaa ku daray inuu Mareykanka taageeri doono duulaanka Israa’iil, haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed, sida uu soo bandhigay wargeyska Middle East Eye.

Mareykanka wuxuu siiyay Israa’iil ballanqaad la xiriira haddii uu dhaco dagaal ba’an oo ay la galaan Xisbullah inuu si buuxda u taageerri doono.

Iyadoo ballanqaadkan uu jiro, hadana wali wuxuu aadinaya Mareykanka hannaan diblomaasiyadeed oo hoos u dhigaya weerarrada Xisbullah ay ka geysanayso dhulka ay Israa’iil haysato ee waqooyiga.

 

WARARKA