spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo Wada-hadallo la bilowday Qarmada Midoobe iyo qorshe wayn oo socdo.

Axad june,23 2024 {HMC} Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay wada-hadallo cusub oo haatan u billowday dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay, kaas oo ujeedkiisa uu yahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobey ee magaciisa loo soo gaabiyo UNSOM.

Wada-hadalladan ayaa ku bilowday qaab u hordhac ah, waxaana kulan toos ah oo taariikhi ah isugu yimid guddiyo farsamo oo ka socda labada dhinac.

Soomaaliya waxaa wada-hadalladan ku hoggaaminayo xubno ay ka mid yihiin mas’uulyiin ka socda xafiisyada madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, wasaaradaha arrimaha dibadda iyo amniga qaranka, waxaana horkacaya Danjire Yusuf Garaad Cumar ee dhinaca UNSOM.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Muqdisho, 23, June 2024: Kulan taariikhi ah ayay shalay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM.

Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

WARARKA