spot_imgspot_imgspot_img

Mamulka Gobolka Banaadir oo War Kasoo Saaray Nadaafada Muqdisho.

Axad june,23 2024 {HMC} Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) ayaa sheegay inuu dacwo ka yahay hal qabsiga magaciisa, marka ay dhibaato ka dhacdo magaalada Muqdisho ama wasaq lagu arko waddooyinkeeda.

Madaale ayaa sheegay in haddii la arko nadaafad darro iyo ama roob loogu qaylo dhaamiyo isaga, wuxuuna tilmaamay in dhibaatadaas oo dhan ay ku dhaceyso maamulkiisa, balse dadka qaylo dhaamiyo qudhooda ay sameeyaan qaladaadka, sida nadaafad darrada.

“Magaaladan haddii nadaafad darro lagu arki waxaa la fiiriyaa xaggaas waxaa la leeyahay aaway Madaale?, haddii biyo lagu arko Madaale ayaa la leeyahay, guryaha dumaya ayaa la leeyahay Madaale kaalay dhibka waa nagu dhacayaa? ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la’iska daayo qashinka lasoo raaciyo biyaha roobka oo uu tilmaamay in dhibaato wayn uu ku hayo bilicda caasimada.

“Qofka isaga haddii uu maareeyo inta nafaafad darrada ah ee uu soo kordhiyay magaaladeena nadiif ayay noo noqoneysaa, laakin anaga ayaa hadda kow ka ah roob ayaa da’aayo waxaa lasoo raacsinaa qashinka xaafadda oo dhan” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu duqa Muqdisho ugu baaqay shacabka inay sameeyaan isku tashi, ayna ka qayb qaataan nadaafadda iyo hurumarka ka socda caasimada Muqdisho.

“Waxaan u sheegaya shacabka Soomaaliyeed oo aan farayaa inaan isku tashi wax u wada qabsano aan wax ku dhisanyo aan ku nafiisano Muqdisho” ayuu sii raaciyay.

WARARKA